Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web




boga hore

suugaanta

boga ubaxa

Qur'aan

Contact 

maah-maaho

somaliland

Guest Book

somali-music

Tv-man-united

Nebi Amaan

Daawo Adduun Weynaha


Hoyga Suugaanta

Saadirku intuu abuuray suugaantooda ma hilmaamaane sadirga ku hayso inta aad nooshahay !


Marka hore waa maxay suugaani ?

Suugaanta shalay iyo maanta ee dalkeena

Parents


Gabayo nooc walba leh !

waxaana halkan idiiinku soo diyaarinaaya wali Nuuradiini


Gabayadii ka soo burqanaayey Cilmi boodhari waayahiisii nolosha aduun !

(Cilmi-Boodhari)
Allahayow

 

Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday
Marka horaba anigaa sahwiyay inaadeerowe
Ooduba xigteey leedihiyo ubaxa geedaha e
Abtiyaaladay baa ii eekayd inaan adeecaaye
Ammaantii Ugaadh Cumar lahaa ereg maxaa geeyey
Qaar Hooyaday u eddo tahay oo aada baa jira e
Alahayow afkaygiyo siddeen aadmiga u eeday
Ama darayo Oodweyne way omas badnaayeene
Agaamo haddii loogu shubo maigmanaateene
Abaaraa ku doogoobi laa erayadaydiiye


Alahayow akaygiyo siddeen aadmiga u eeday
Iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye
Wixii ka adkaadaaba waa akhiro kala e
Waa laygu eemaray cishqiga inaan ku ooyaaye
Alahayow afkaygiyo siddeen aadmiga u eeday
Mad-habtaba ma galo ruux haddu aamin gooys yahaye
axdigaad ka boodaa jannada ooda kaa xidhiye
Adigiyo ashahaadaadu ways ku alla seegteene
Haw oonsan aakhiro waxaad urursataa yaale


(Cilmi-Boodhari)
Heeska caashaqa

 

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye
Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye
Sida ubadku hooyada u tabo kuu hafeeftamaye
Haddii aanan ku lahayn yartaay kuma haleeleene
Habeenkii yimaadaba lix jeer kuma horjoogeene

Hal abuurka kuumaan tirsheen heeska caashaqa e
Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga
Hareertayda ood joogtid baan ku hami qaataaye
Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye
Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye


Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye
Markaan keligeey haasaawayeen aan isla-hadlaayo
Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey
Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugaygiiye
Hadaaqa ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne
Haabkooda may gelin cishqiga hawsha dabataale

Inta uu hadhuuudh-laha ku daray ama hed soo gooyey
Hal-hal tirada waan lagu heleyn tan iyo haabiile
Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye
Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e
Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye
Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane
Waa waxan hir-doogliyo caleen ugu horseedaaye


(Cilmi-Boodhari)
Waa lay warrami

 

Hooyaalayeey gabayga waa lagu wanaajaaye
Anna waayirkiisaan ahee waano iga qaata
Waageerka caadku waa indhaha walalac beeneede
Waxku-aragu waa wiilka oon waayo kaa heline
Addinkoy wax gaaadhaanna waa loo wakinayaaye
Weheluhu baddooy kala tagaan wiiqan ubadkiiye


Walaxdii dhinaataaba way kaa weyrixisaaye
Iyadana wadeecada aduun wiil kalaw baxaye
Wadaamii qalbiga waxa la tegey wililigteediye
Intay waaninaysan dhulbaan weel ka gurayaaye
Waa lay warramayaa dadbaan weeye leeyahaye


Waxakani wareer iyo ka badan caashaq waaxidahe
Walaalooyinoow waxan ka biqi inan ku waashaaye
Markan inan wareegaan damcoo webiga jiidhaaye
Wiirada ragiyo baan ka tegi wadhida naagaaye
Wadankeeda Soomaali waan sii wadacayaaye
Wuxu Eebahay ii waciyo waadanbe an dhawro



(Cilmi-Boodhari)
Murugo

 

Nimanyahow gabay waa murti iyo maaran kala waaye
Rag uun baa maroor wax u tusoo kaygu waa malabe
Sida Sheekh mufti ah oo cilmiga meel ku marinaaya
Waw muhanayaa maansadaad mari i leediine
Hadanse madal ka sheegaayo oon walle ku maansoodo
Martuba way ka dhici layd hablaha muxibbo owgeede
Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda


Miyi waxan la tegi waayey iyo madaxdii Daa'uudka
Meeraysigeedii waxaan ula madoobaaday
Nin mataanihiisii gacmaha meel dhigtaan ahaye
Mid kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye
Muruq kuma kaxaysanine rag buu magansanaayaaye
Haddii aanan mahiiggiyo ka biqin murabidkaa gaalka


Amase aan mashraqo lay sudhayn maalin ma hayeene
Alla magane sow dowladani meesha kama dhoofto
Afartaa intaan miin ka dayey marin ma qaadsiiyey
Mid kalena waa maansaday muhatay laabtaydu
Mariid baa qardhaas loo tolaa meelo la qabtaaye
Mirirbaa la gooyaa cishqaan cidina maareyne


Inantaan naftayda u makalay way i moog tahaye
Mid kalaaba loo meheriyey ooy meel u gogoshaaye
Micna gaabanow dumar inaan malo la waydiinin
Waa waxa martiyo loogu xidhay marada shaydaane
Muxubiyo makaawo wakiil magac waxaan siiyey
Maydhkii khasaaraysay iyo maaddi gabayeede
Waa ii muraadday iyo waxaan uga muraaqoone
Misaalkeeda waan heli lahaa Maydh haddaan tago e
Mudanihii Cismaan iyo bal aan Maakhir haybsado



Cilmi Ismaaciil Liiibaan (Cilmi-Boodhari)
Hodan

 

Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey
Oo haro la soo joojiyo kuraygu heegaayo
Oo hoobay loo qaaday iyo hadal walwaaleedka
Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye
Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge


Ayadoon xabaal lagu hamsiin waanaan ka hadhayne
Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye
Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene
Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteeda
Kolki aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
(Ruqruqaansigaygii) dambaan soo hambaabiraye


U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare
Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye
U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene
U hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene
U hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye
Wax aanad haynin oo haabsataa habartii weeyaane
Hoheey iyo hoheey maxaa hadimo lay gaystay

Gabayadii Hadraawi


"Hadraawi"

ADDUUNYADU WAA BESTEED

Haddaan idhi Boqorkayow
waxaan idhi Boqorkayow
Allow barashaan ogeyn
intay tahay baaxaddaa
qofkuna badow buu ka yahay
inuu kugu soo ban-dhigo
bayaannada aan fogeyn.
Bishmaan u daraandarayn
inuu boqolkaaga magac
intuu Bisinkaagu yahay
ka sheego wax aan badnayn.
Waxaad tahay gun iyo baar
ballaadh iyo deeq mug weyn
waxaad tahay beer janna ah
waxaad tahay baarri faxan
intaad bixisaa raxmad ah
intaad burisaa raja ah
intaad hanataa ka badan
baxaalliga hawl adduun
wax-beelka intaan hurayn
bushaaro hayaad u tahay.

Waxaad tahay baahi-laawe
waxaad tahay baahidayda.

Ilaahnimadaada buuxda
qof waayey ma baadi-doonin,
rugaa Boqortooyadaada
qofkii u bal-reebiwaayey
ma xeerin badbaadadiisa.
Xuduudka baddaada caaggan
qof tiigsadey baylah weeye.

Kulaylka buruuddadaada
sharkaaga badheedhka dhiirran
baqaa lagu aaminaa.
Burjina Adigaa ku sugan
awoodaha baaca dheer.

Adduunyadu waa berdaan
runbaa la bog-dooxayaa
dadkaa la bilkeedayaa
higsiga baradeeda nool
waxaa lagu beegsadaa
baxnaaniyo toogo-hayn.
Boqoolkuna waa jiraa,
naftana ballankii ka yiil
haddaan lala beretansiin
waxaa lagu beegmayaa
bayuuraha aan hambayn.

Hadday tahay beri-samaad
ta baasina way ag taal
haddaan laga baydhsanaan.

Dhulkana bidixlaa ku nool
waxaa jira beenawaas
ibleyskuna waa bakhayl
bahdiisuna waa yiciis,
balway ku hor qaadayaan
bustay kugu laabayaan
wedkay balag saarayaan
hadday buro kaa helaan
waxay kugu badhi furaan
dharaaraha baane jiro
Belaayana way guddaa
bariisana way dhacdaa
haddaan laga sii bed-qabin
waxaad ku baraarugtaa
beentaadu runtay necbayd.

Barwaaqo markay hayaan
hadday isa sii bidaan
baxdowga markay yihiin
hadday isu sii bogaan
addoomuhu ways bulaan.
Waxay cadho biirsadaan
waxaa lagu sii badaa
xanuun iyo boogo kale.
Hadday isa sii baraan
inay berri sii cunaan
banbaaniyo xaaja guud
haddii baga loo cuskado
bulshiyo wada doonistii
qof iyo wada buul dhis tahay
yiqiintuna bowsi tahay
nin iyo keli loo bokhrado
hiyigu kala baadsan yahay
bartii qof yaqaan hungow
bil-khayrtuna way fog tahay.

Markay naftu baadi tahay
haddaan bahal kuu sanqadhin
cabsida bixisaa ka weyn.
Hadduu qofku been dugsado
baqaa lagu xeerayaa
bahduu ka curyaamayaa
wax baydadiyaa eryada
cishaba babbisaa hor taal.
Waxaa ku bannaan runtii
waxay u ahayd ku beel
dhankeedana bayr ka qaad
inay tahay baahi diid
haddana yidhi baadi doon
halkeeda wax buuxin kara.

Berruu ka saluug-qabaa
bursuu ku xujoobayaa,
duruus u habee baryada
beybeysiga hawl ka dhigey
bishmaa ka calaacalsii
sengii fanay booddo-waal
xumaanta u beer-nuglaa
bahaynta ku caado goo
shan baabbaco hoo ku qaad
idaa gudhay loo baqee
xanjiyo xabag loo badbadi
haddana balawaas ka qaad
busaaradi waa halkii
hungaa baradiisa taal.

Cishaba filan-waa ku baah
cishaba garan-waa ku biir
saqaa dhexe baaq u yeedh
canaan ka bariisan waa.

Belaayo waxay tustaa
markuu isa sii barkado
inuu weli sii baxsado.
Baraadla' usii galgalay
qallooc isu sii barbari
bidaartana sii arradi
wanaagga ka baali noqoy
intii bilan sii illow
buddiisana sii gorgori
waxyeellada sii bogbogey
adduunyada baylah mood
runteedana boob ku waa
dhabteeda bannaysan waa
dhibteedana baajin waa
badhaadhena ciil ku waa
walaacana baan ka waa
badbaadana meel u waa.
Naftana biya-dhiijin waa
dharaarna is baadhi waa
kashana boholyow ka waa
badheedh lagu sii hubsado
hiyiga barakaysan waa
hankana ku barooran waa
haddaan baqe fuushanayn
inuu yahay buur ku diid
dareennada boorta neceb.
Guddoonsey is been-farriin
badroolka inuu ku sugo.

Bisaylka hadduu qof diido
biraynta ku faani waayo
bakhtuu uga sii socdaaye
hadduu qofku bayda-goosto
inuu bini-caashaqiisa
ku baayaco geeridiisa
baraar adhi baa taqaan.

Xalaashiyo buunigeeda
haddaad u buseeli weydo
bogsiinta ka raadi maaha
wixii lagu sii bukoodo.
Xumaantuna waa basari
naftay bilic-guurisaa
bidhaantuna maaha ruux
haddaanay lahayn burhaan
badh kaa maqan baad la'dahay.
Bassaastuna waa qalbiga
kashaa laga baal qoyaa,
intaas ha ka dhaafin baal.

Waxaa isu soo bulladay
bugaanbugihii wakhtiga
bilaash-jeceshii casriga,
bulaanbuliyey tumeen
dadkuna budulkooda raac
siyaasina beel ku dhoof
dantiisa ku baadi doon
ku baaji xilkay lahayd
sidii goray baar-caddee
ballaadhsiga diin ka dhigey
baxnaanada sii adkee
hilaadaha sii burburi
bawaarkana sii ulee
bilaale ka qaad yaraa
cishaba huri duur belbela
billaawaha sii casee
Billaahida sii xasee
buskeeda ku sii xabaal
biliiliqo sii dhudhumi
baruurana sii fantee
awaalaha sii basaas
sidii buro soo noqnoqoy.
Markay barar fuuqsadaan
sidii dibi bey madow
hadday u banaaxiyaan
badhyaa cune jeer hungow
xaqiiqada boodh ku laac.

Adduunyadu waa basteed
nin biima ah baa khatalay
hub iyo buntukh loo shushubi
sidii bulay loogu hees
intii ba'an laysu dhiib
dalaal lagu beer-caddaa
qof iyo baradiis is cune
bariidada laysla waa.

Wuxuu Boqorkeedu yidhi
wixii bido meel u yaal
Ilaah bixiyaa ka dhow
bushaarana way jirtaa.
hadday falaw baaban tahay
Banaanadiyaa xaslada,
hadday bili doorsan tahay
baftiyo qurux baa u taal,
hadday tahay biir aja ah
caway ku ballaysan tahay,
bar-laawe hadduu didsaday
barbaar gudan baa u nool,
hadduu Baqal-fuul gurguray
Baroor faras baa hidda ah,
hadduu Badhax-miis ku dhalay
runtaan la biyeyn karayn,
nin baydhsadayow dan guud
waxaa jira baadi-doon,
af booli wixii ku maqan
col soo bedayaa ogsoon,
badraanno hadday jiraan
barqaa lagu waayayaa
hadday wada baarqab tahay
wixii dhacay geed berda ah
fircoonnada baaxad dumey
beryii tegey baa hubsaday,
dhufaanna bir waa yaqaan.
Hadday wada P.M tahay
buruud kiciyaa dul yaal,
waxay bohol jiidhayaan
libaax bulbullaa ku jira,
in baal sidataa dahsoon,
in baabbacalaa digtoon,
dhashii Beder baa xidhxidhan
biddena camalkiis u daa.


Hadraawi
Togdheer
 

Ninba waxuu ku taamaa
ama hees ka tiriyaa
tixo gabay ku sheegaa
halka lagu talaalee
hawadiisu taallee
uurkiisu tebeyee,
dumar taan ka sahansaday
waa gabadh Togdheeroo
Maxamuudi tooxwayn
saddex-qayd ka tolatoo
tusbax luqunta gelisoo
tafta daraya-muuskii
taakiyo badh muuqdoo
dhaxalihii tarraxayoo
sida boqorad taash xidhan
hadalkeeda tirisoo
hadba erey tukubisoo
todobaatan jeerbaan
soo toosay xalayoo


Sidaan timo haldhaaleey
ugu tebey hurdada xalay
anigaba Togdheerbaa
tusku iiga muuqdaa.

Ninba wuxuu ku taamaa
ama talal ku sheegaa
ama gacan ku taabtaa
halka lagu taftaafee
Burco waxay ku taalaa
xididdada tin iyo cidhib
tebinaaya dhiigee
hadba dhan u talowshee
dayax taabba-qaadoo
toban iyo shan joogiyo
xidigaha tartamayee
isku taxay dushiisaa
tahan iiga hirayoo
Tusmo barashadeediyo
taltallaabsigeediyo
taratarinta laafyaha
meeshay i turuqdiyo
tawstey i gelisaa
igu sii tarmaysoo,

sidaan timo haldhaaleey
ugu tebey hurdada xalay
anigaba Togdheerbaa
tusku iiga muuqdaa.


Tuke bari ka yimibaan
tusay boogahaygoo
u tilmaamay beeshoo
tebi idhi dhambaalkii;
taarkii ma geynoo
isma tarin dedaalkuu
u tabaabulshaystoo
taab-gaabnidiisey
naftu xadhiga towseed
ugu turunturootoo
latawaacaysaa.
Miyuu tuuray hadalkii?
Miyuu tiray jacaylkii?
Mise tulud raqdeeduu
ugu taaganyahay geed?
Mise wuxuu tukanayaa
faral iyo Taraawiix?
Mise wuxuu taraarkii
kala dhacay Tabciyo Sheekh?

Sidaan timo haldhaaleey
ugu tebey hurdada xalay
anigaba Togdheerbaa
tusku iiga muuqdaa.


hadraawi
Suleekha

Idaa subag laga lulaa
Lo'baa saan laga baxshaa
Geel baa sidig loo ogaa
Sengaa orod lala ekayn
Sareedo Illaahay baa leh
Hablaa Soomaaliyeedna
Haddaan quruxdooda saanyo
Haddaan miisaanka saaro
Sagaal tobankii adaa leh

Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Sansaankaagiyo jaaha
Sara joogiyo tooska
Dhexda soohane tooxda
Sayn fardoodda ka dhuuban
Biixiyaa isa saran
Gaaraara kala soocay
Sanqaroorka la dhiibshaa
Nafta aan sasabaayo
Somal-haad gelinaaya


Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Saatirkii ku abuuree
Saluuglaay indhahaaga
Saldhiggooda qorsheeyee
Saxarkii ka daboolee
Baalashooda ku saabshee
Suunniyaa ku hadheeyee
Hareeraa kaga seeraa
Hibo gaara ku siiyoon
Cidna kuula sed qaybin


Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Saatirkii ku abuuree
Qoortan aad samay mooddo
Cabbaadhyaa ku sargooyiyo
Sidrigaagiyo laabta
Timahaagan ku seexdee
Kolka aad doc u saydho
Sararaa ka degaayee
Sabarkaaga tegaayaan
Samayskooda la yaabay


Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Saaray baanad ahayne
Saancad weeye jacaylku
Surradaan la dhigaynin
Heeryo weeye ku saran
Soodh halbowlaha gooya
Seef ku guud sudhan weeye
Nin ka saahidey oonta
Aawadaa uga soomay
Saymo looma horseedee


Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta


Hadraawi
Sirta nolosha


Saaxiibkayow heedhe
Safar baan ka imi dheere
Marka hore salaan diirrran
Marka xiga samow heedhe
Ha ka nixin si-dalagtayda
Sacab fara-madhnaantayda
Suugaanta yaabkeeda
Salka iyo fadhaa keena
Marka xiga sugnaanteeda
Socodkiyo falkaa sheega
Xeerkeedu waa saase.

Saaxiibkayow heedhe
Anba saaka qaybteeda
Sirsirraan ka joogaaye
Xadhiggiyo bal eeg suunka
Iyo sabarka gaadiidey
Iyo salabka ii qaaran
Iyo suudha guudkayga

Hilaygiyo waxaan saabka
U gilgiley Samaw haanta
Subag inay ku dhiiqdaaye
Saasay ku badisaaye
Sannad weliba xeeshiiye
Kol hadday silloonaato
Samaheedu waa dhiige
Sumuc talada loo dhiibye
Sida sida sidaas weeye
Si la yeeli jirey weeye

Marka xiga Samaw heedhe
Talo sibiq dhaqaaqeeda
Soof-daran habawgeeda
Sal-fudaydka hooggiisa
Bal sallaankan fuul laalan
Iyo sagabtan heensaysan
Dhulka saas u jeedaali
Sidan iyo sidaas fiiri
Sidan iyo gadaal dheeho

Raqda solan lafaa soogan
Bal su'aal u celi meydkan
Sababtuu u go'ay raadi
Bal dhegeyso saylaanka
Iyo salowga beer-qaadka
Iyo sebiga yeedhiisa
Waxaad aragtay oo saasa
Waxaad maqashayoo saasa
Maxaad odhan lahayd Suudi?

Samalaho furfuriddooda
Godka seer-ma weydaanka
Marka ay sabbuux gaadho
Si kalaan u dhigi taase
Saaxiibkay Waayaale
Suurtuu dhalaay heedhe
Heedhee Sahraay heedhe.
Waxaan adiga kuu saantay
Dadka kaaga soo soocay
Sahra kuugu yeedh-yeedhay
Siduu aabbahaa heedhe
Samo ii faraan heedhe
Kuu siinayaa heedhe
Sooyaalka taariikhdu
Iyadaan salguurayne
Murtidaan Sahraay heedhe
Sadar kuugu qorayaaye
Heedhee Sahraay heedhe
Curad suubbaneey heedhe
Summadii Rashiid yeelo
Iyo weynidii Saado
Iyo sawracii hooyo
Sinjigii hablaa geeska

Subaxdii indhaa kuulo
Tintu saqafta yay waayin
Iyo diibka loo saaro
Subko oo xayaabayso
Korka siigo yey taaban
Ku illaali saabuunta

Dharku siifad yuu yeelan
Suyac iyo bar gaasheysan
Ku ilaali saahoodka

Garashadu Sahraay ruuxa
Sed u gaara weeyaane
Hadduu saamigaas yeeshay
Qurux ma leh saluuggeedu
Dadku siigga dida maaha
Sogob iyo ri'weyn maaha
Sumal iyo laxdiis maaha
Rati iyo sabeen maaha
Falka iyo sugnaantiisa
Socodkiyo abbaaartiisa
Dhaqan sida xishoodkiisa
Dabar iyo silsilad haysa
Iyo suun ma dhaafaan ah
Wuxuu soofka xoolaaba
Kaga soocan yahay weeye

Waxan uga socdaa heedhe
Naftu seeto yey waayin
Hana falin sidaad doonto

Hadalkana sar weedhiisa
Una saaf qofkii waaya
Ha ka tegin sarbeebtiisa
Hana gelin sursuur oodan
Hana lumin sargoyntiisa
Hana liqin sangaabtiisa
Ha ku saxan badheedhkiisa
Runta sogordoh haw yeelin
Ha suldaarin dooddiisa
Sisibaa wadaaggiisa
Sababee abbaartaada
Hana badin su'aashiisa
Sarrifkiyo tilmaantiisa
Saddex erey halkii dooni
Soddon yaanay kaa qaadan
Siddi-qabaxi yay raacin
Sare haw dhig-dhigin luuqda
Gacantana ha saydh-saydhin
Hana odhan wax sawliila

Heedhee Sahraay heedhe
Sarta hilibka dheehaaga
Samaydaada dhererkaaga
Sarajooga muuqaaga
Sanqaroorka jaahaaga
Dahab iyo xariir saran
Uma baahna saantaadu
Hadda silis ha xidhan maaha
Luquntana ha sudhin mahaa
Waxan uga socdaa heedhe
Marka aad sunuud hayso
Waxa suuq mug-weyn yaalla
Ha la simin kitaab weeye

Hurdo iyo Sahraay jiifka
Marka hore sariir raadi
Salli iyo furaash dayday
Saddexdaba hadaad weydo
Lama seexan kari waayo
Hadda saantu qodox maaha
Suugaantu gogol weeye.

Ninku qaday Sahraay tiisa
Hadduu seed liqliqiddeeda
Ku saruurad goyn waayo
Subag iyo baruur doono
Sidu jecelyahaa been ah

Dhadhan iyo sibraar kayda
Sidig caanaheedaa leh
Badar iy sarreen shiidan
Iyo sixin ku iidaaman
Wax la cuno sabiib baa ah
Nin samaystay baa faan leh
Waxaad haysataa saasa ah
Ka sokow intaan sheegay
Hadda soortu dacar maaha

Dharku Saadhi qudha maaha
Saylooni garan maaha
Iyo sabarandaa giiran
Mana aha surwaal biid ah
Haddaan saarku kuu diidin
Saddex-qaydu ceeb maaha.

Heedhee Sahraay heedhe
Sar daruuran oo maasa
Mar Abu Sarmaantiiya
Dhacle baarka loo seesay
Boqor wada xiyaakhaysan
Sildiyaal jiljila dhiibsan
Tusbax dhawr sagaal laaba
Iyo qool sunaar dheehan
Subeciyad xiddiyo laaf leh
Adigoo siddeeddaas hal
Iyo timaha oo soohan
Ku darsaday sifaa guudka
Garashiyo sarriig sheegtay
Ma qofkaa sitaa jooga.


Hadraawi
Hooyo


Hooyoy la'aantaa
Aduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatoo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogoo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu heleynoo.

Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa

Marka aad nin hoo-loo
Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
Hayntiisa quudhoo
Hor Illaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Mar aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhoba
Ku labaad hilaadshoo
Haga maatadiisoo
La higsado dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hoogiyo
Ka hor taga daalkoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
Dabka hura bakhtiiyoo
Ku haggoogta dhiiggoo
Dadka kala hagaajoo
Kala haga dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Markaad hoobal caaniyo
Hindisaa farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdiyo
Hawraarta maansada
Heensayn yaqaanoo
Rabbi biyo u siiyoo
Labadaba hannaanshiyo
Hal-abuur dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweyntaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen weyn
Rag u wada hammuumee
Ishu calacsanaysaa
Hablahaaga weeyee
Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hubqaadloo
Quruxdana ka hodaniyo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa

Hooyoy la'aantaa
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la'aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad hees iyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee
Hoygii kalgacalkee
Naxariistu hadataay.

Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu hubaayooo
Hooyoy dhabtaadaa
Hurdo lagu gam'aayoo
Hooyoy taftaadaa
Dugsi laga helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaneey
Dugsigii hufnaantaay
Hidda lagu arooraay.

Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Weligay hoygaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon
 

 

C/Laahi Suldaan Maxamed (Timacade)

Casiisaw waa mahadaa

Timacade wuxu geeraarkan inagu tusaaleynayaa awooda Eebbe ee aan koobnayn. Geeraarkan waxa inooga muuqaneysa aqoonta qotada dheer ee Timacadde u lahaa diinta. Wuxuu ina tusaaleynayaa jirrabkii iyo dhibaatooyinkii la soo mariyey Nebiyada iyo siduu Eebbe ugu hiilliyey, wuxu yidhi :

 

Ilaahi cirka taagayee
Dayaxa iyo cadceeddiyop
Xiddigaa ku cigaalayow !
Ilaahi caadil ahaaye
Dhulka caynkan u daadshaye
Ku culaysiyey buurta e
Isagoon cidi joogin
Casiiskii Nebi Aadan
Ka buuray cammuudda e
Cidhifkaa bidixdiisa
Intuu caaro ka jeebay
Cadkii Xaawa ka yeelayow

Ilaahi Caadil ahaaye
Ciyaarsiiyay buxuurta e
Ceejiyee ama siiyayow
Ilaahii caadil ahaaye
Casiiskii Nebi Luud
Kuwii caasi gareeyay
Amaba ceebta yiqiinnay
Habeen cawda u gooyayow
Ilaahii caadil ahaaye
Casiiskiisii Suleymaan
Dabayshuu carbiyayow

Ilaahii Nebi Ciise
Cilmigiisa ku qaadaye
Cashaduu iman doonana
Cawar seef ugu dhiibayow
Ilaahi caadil ahaaye
Casiiskii Ayuub
Cudurkii uu ku raajay
Marki uu caban waayey
Caafimaad ugu doorshay
Curuuqddiisii dhammaatiyo
Raxmaddii ku dul caastay
Cimrigoodi yareeyaye
Cusbeysiiyey Jidhkooda E
Caruusiinta ka yeelayow

Abdihukun Ali Handulle

Halkankii Dalkeena

Maansadani waxay soo baxday 11-02-2003 magaceeduna waa Halgankii Dalkeena waxay maansadani ka turjumaysaa dadku dhibaatooyinkii ay kala kulmeen taliskii dumay ee Siyaad Barre kadib markii ay geesiyaashi SNM soo hooyeen guushi iyo gooni isu taagi Somaliland. Waxa kale oo ay wax ka taabanaysaa wax qabad la’aantii dawlada Somaliland oo aan u dhicin sidii la rabay oo ahayd in la qoro taariikhdi halgamayashii SNM iyo dadwaynihii dulmiga lagu laayey. Waxa kale oo ay tafaasiil ka bixinaysaa sida loogu takri falay maamulka wadanka Somaliland.

Halgankii dalkeenee
laga guuray degelkee
loo baxay dulleedkiyo
dirirtii xaqa aheyd
lagu daadshay dhiigee
inta hanad lagaa dilay
halyey dabinka loo dhigay
doogtii ku taal weli
inta umul la dooxiyo
wiilashaadi dabar go'ay
madfac diririgleeyiyo
dabka iyo rasaastii

dadka lagu dalbanayee
lagu dumiyey daaraha
dukum daakum laga dhigay
durdurada hayaankii
dugsigaad istaagtaba
lagu hagay dayuurado
duunyadaada lagu gaday
duuliyuu ku deydeyey
diiradiina kula helay
iyo danabka laba dhaca
daaduunki loo qaxay
dibad yaalki maatida
ruuxii damqanayaa

degdeg kuma illaawee
daltabyada darteeduun
nafta dagagarkeedii
danaheeda kala lumay
durba hoygi wada nimi
waxaad daawateenoo
isa soo dul-taagteen
lafii daadku soo qubay
misna doodi kama dhicin
duulaanka lagu miray
dakanooyinkaas hore
midho daray siddoodii
ama malabka doocaan

duuduub haloo liqo
hadal dabarki weeyee
duqeydeeni kumay talin
dulmigii xaq lagu falay
iyo dala'sigii baas
danyar waxii lasoo baday
dibindaabyo joogtiyo
daldalaadi laga simay
dawo doorisaa timi
dawlad gaara weeyee
dammaashaadka muujoo
haloo tummo durbaanada
diinkii dab loo diray

dooxaa qarkiisiyo
deyrkuu ka muuqdaa
daantaaba muu teggin
darfac laa dameerii
dadku saartay xaabada
soo daaqa yaa yidhi
doogiyo dareemada
saw kuwaa dul tubanee
daadshay heeryadeenii

dabci waxay waddaagaan
dinnadii la koriyee
duubi geel cadkiisii
dhulka loogu daadshee
degdeg ugu dug tidhiyee
miciyaha daf siisee
indhahana dabooshee
dafireysay quudkee
Rabbi darajadiisaa
marka uu dallool xidho
daaqad kuu banneeyoo
diiftiyo dhibaatada
aadmiga u doorshoo

sammahawgu deeqoo
nuukow dillaacshoo
ku haggaaya dawgoo
darxumada ka dhawree
dadkan daarad wada yaal
deris iyo wallaalnimo
danta guud u wada siman
maxaa loogu dawgalay
hadba duul derderanoo
dafdafiyo xasarad badan
isku dira dadweynaha
dallow geliya nabaddoo
dillaalaya dhiigoo

aan deymo garan karin
wixii loo dibjirayee
degta loogu siday qori
ninka ceel ku daadegey
gunta dawliskaw riday
dirri madhan herdiyayee
warka aan ku deeqsiin
malemale ku darayaa

inuu dubuq yidhaahdoo
ku dummaa u door-roon
noloshuba ha deysee
dirqi waxaad ku qabateen
dookhii dadkeeniyo
dareenkoodu siduu rabay
daanshoodka beledkiyo
xisbiyada la door-bidday
doorashooyinkaas dhacay
oo dabbada heysaan
duunyana ku boobteen

dib u fiirso taariikhda
maxaad dooriseeneed
daabacaad ku sheegteen
dufankii macaanaa
duxdii aad u barateen
dacarbaa la mariyee
haysku daarin xeedhada
ninka laaska dihinee
biyuu ay durdurayaan
darsanaaya weelkee

ku dejiyey sabiibkoow
aggoon daadsan baa badan
dumar ooman baa jira
danyartiyo saboolkuna
daranyey u liitaan
way dibin jabbeenoo
dakhar kale ma sugayaan
bursi daan la barayoow
dulmigii ka diiraye

ninka kuu diggaan ahay
kuu dardaar-wershaan ahay
dayaxii dibboodaa
daafta kale ka eegteen
xiddigtii dagaariyo
dirirkaa is daba yaal
darruurtaas ku hoos jiray
daalacan u soo baxay

nina talada kuma darin
rag dadaalayaa imin
madashana ku soo deggi
dubaakhiinu muu garran
wase dala'saneyseen
docda gudinta kuu taal
ninka daab u waayoow
anigoo aan kugu digan
dareygaa adays dhigay

digo hoos ka nooloo
dusha dhibicu kaga da'ay
muu dammin dabkeeduye
daadkoo dhirbaaxoo
ka dalloosha dhinacoo
docda kale ka biyo-roga
ayey hurid ku deysaa
ninka damacu qaadee
dadka aan arkeynee
doqoniimo faanaa
dib buu uga shallaayaa

markuu waayo deeqdii
daalacii la siin jiray
dabar geliyo waayuhu
ha dullaanto buurtani
derbigani ha kala dhaco
hala furro dariiqyada
Dawgiyo jidkaba dhisa

daamurkana ku wada dhoob
duligana halaga baxo
ha iftiinto daacadi
deegaan la boobiyo
malafsiga dar-jeexa ah
danyar xoolaheed qaba
hala doorsho hawlaha
dibu-socod falkuu dhiggay
keligii daneystiyo
daaya-qaad ku noolaa

dorraad ha dambeysee
daaniyuu ha wada go'o
damashii hargeysana
duqan maanta uun yimi
doorashada ku soo baxay
deelqaaf kumuu iman
durjibuu u yeeshoo
lagu daadshay ubaxoo
daladaha la guud sudhay

isagan dadaal faran
dabcina wuu u leeyahay
dersi buu inoo dhiggi
iyo kala dambeyntoo
dawgiyo xaqaad baran
dalxiiskaa ku soo geli
kaa duubi sawiroo
kugu indha daraandari.


Waxa maansadan Curiyay

Abdihukun Ali Handulle.

C O L U M B U S, U.S.A

 

Max'ud C/laahi Singub
 
Soomaalaay Dhamaantaa


Heestan oo soo baxday 1998 iyadoo ku jirtey riwaayadii Qabyo ee ka hadlaysay dhibaatada ay Soomaalidu kala kulantay qurbahan. Maansadana wuxuu dadweynaha ku su’aalayaa arimo badan oo ku soo kordhay dhaqanka Soomaaliyeed sida, kata-dudka (Seperate) hooyo keligeed nool (Single mother) Wuxuu yidhi:


Beryahan maanan sara kicin
dhulkaa seeftu iga tiil
ma samaynin kaydkaan
Soomaalida u hayn jiray
Sanguboow maxaa dhacay?
waa lay su'aalaa.

Hayeeshee saraadaan
Sure iyo Cirjiidhiyo
samada ugu laalaa
Siwaakhaan lahaa eeg
dhanka uu u sare kaco
Haddaad iga sugayseen
waa kane Sugaal hoo
ina Baashe ila soco.
Sodon sano xornimadii
calankii sudhnaan jiray
magacii sarrayn jiray
Soomaalinimadii

inkastaanay ku socon jirin
sidii loogu tala galay
sidan waaynu dhaanee
garashada sabooshaay
xeedhada salkeedii
ma dhowee sidaad odhan?

Aqalkii samaysnaa
surradda iyo gurgurkii
haantii saabka waynayd
dhiilkii siddoolaha
sancadiyo birteenii
siduu nabarku ugu dhacay
sahal maahe waa halis
garashada sabooshaay
xeedhada salkeedii
ma dhowee sidaad odhan?

Adhigii susumi jiray
suub iyo lo'deenii
wankii sararta waynaa
safar loo kaxayn jiray
lacag adag la siin jiray
saldhigii dhaqaalaha
siduu nabarku ugu dhacay
sahal maahe waa halis
garashada sabooshaay
xeedhada salkeedii
ma dhowee sidaad odhan?

Gabayadii samaysnaa
subcis heesaheenii
sargooyntii cayaaraha
sacabkiyo durbaankii
sooniyo wargayskii
sawirka iyo kaydkii
siduu nabarku ugu dhacay
sahal maahe waa halis
garashada sabooshaay
xeedhada salkeedii
ma dhowee sidaad odhan?

Samawadihii guurkee
dhallinta laysa siin jiray
sidi qabax la odhan jiray
gelbis loo samayn jiray
ma bedelay surwaaliyo
sabarkoo banaaniyo
saancadiyo cadaaniyo
saaxiib maloo rogay
garashada sabooshaay
xeedhada salkeedii
ma dhowee sidaad odhan?

Socodkeenii dheeraa
siliciyo maryaadkii
qurba soo galkeenii
horta maxaa kasoo baxay?

ragiyo dumar sabaynee
kee sareeya ceebtii?
sodogaan xishoonayn
sodoh dhaqankii diidiyo
dumaashigan sirgacaniyo
abti iyo sokeeyiyo
maseedaa Jumaaykaan?
Soomaalaay dhamaantiin
waan idin su'aalee
singal maadar waa maxay?

Haduuse seegay aabuhu
surinkii haboonaa
waa siino dumarkuye
socodka maydun daysaan
sodohuhu xishoodaan
ooy samirto hooyadu
salkii reerka weeyee.
Soomaalaay dhamaantiin
waan idin su'aalee
saaxiibnimo ma qabidbaa?

Suulkii cidina ma leh
timuu sacabku leeyahay
sambabka iyo beerkaan
isa siin dareenkii
sinaha iyo luguhii
socodkay isla waayeen
sanka biro lageliyiyo
sunayaal la xiiraa
qurux laga sugaayaa
saddexdii dalaaqood
ragga oo la siiyoo
waxbadan baan silcaayoo
aad iga saraysee
soco uun la leeyahay
Soomaalaay dhamaantiin
waan idin su'aalee
sebareeyt maxaa dhalay?

Waxay su'aashii
ashahaado saxahiyo
soonkiyo salaadiyo
sakadaydun dayseen
lama dhiibin sadaqada
xashkii looma socotayn
sumadii Islaamkaa
sahal aad ka dhigateen
waa sidaa ujeedadu
garashada sabooshaay
xeedhada salkeedii
ma dhowee sidaad odhan.

Saqiir gowracaagii
sokeeye u colowgii
dhiig sahamintaadii
bela saadintaadii
yaa sifaalahaa dhalay
qofwaliba qofbuu saxay
kakaluu waxsaaraa
anigaa sareeyuu
isa siiyey keligii
sida awr salaad dhacay

waay seeto furan tahay
iimaanku waa sade
si kaley u aragtaa
nin waliba siduu rabo
ha u qaado surimada
sanka burada kaga taal
siduu doono haw qalo
ilayn saanac malehee
masaasaa ujeedadu?
garashada sabooshaay
xeedhada salkeedii
ma dhowee sidaad odhan?

Sodon guurihii dhaaf
lixdan guurihii socoy
waa sideetan guuroo
kuma socoto lugahee
sallaanbay tul taallaa
suuf iyo xanjaba gunud
aqoonyahana muu sixin
garashada sabooshaay
xeedhada salkeedii
ma dhowee sidaad odhan?

Kolkey seben xumaad tahay
ee saxalku kula dego
nayla jeliye saacido
afartii sangaaguri
Lixkorku uu samayn jiray
kontonkii is yeel yeel
daba mara sidkeedii
xoolaha lagu sasabi jiray
idil seerma waydada

waankugu simaynaa
hadaad seegto yeelkaa
sidiiyoo kalaan nahay.
Sawtaan marhore idhi
saqla orodka geediga
sawaxanka iyo qaylada
saabli'ida haamaha
siyaasaddu guracanaa
kululaa sabaanadu
soo salal madoobaa
Soomaalaay dhamaantiin
waan idin su'aalee
silicani muxuu yahay?

Saareey belaayooy
kuma solo wanaaguye
taariikhda socotiyo
sooyaal muxuu qori
saakana maaxad odhan
subkan weeye maansadu
saqaafna wowgu magac daray
waxay kala saxaysaa
sannaddaynu joogniyo
sebennadii lasoo maray.
sararna waxaa la odhan jiray
ninba si u yaqaanee
hadaan anigu seegana
waxaa sixi abwaanada

 

Siyaad Maxamuud Muuse
 
Amaly Amaley

 

Amaleey amaleey
Indho caashaq hayaa
Aragooda tahoo
Aragaaga raboo
Kuu ilmayn adigoo
La asqoobay jacayle

Maad albaab qalbigaaga
Irid iiga banaysid
Ood astaanta jacaylka
Ubax aad utalaashid
Kahor beertid afaafka
Udugiisa jacaylka

Ilayskiisa, an raacno
Amaleey amaleey
Aayihii nolashaad
Adi aad noqotoo
Arxan kaasugayee

Cidla ha,igu afgooynin
Haye waa, anfacaade
Arin maad ila wadaagtid
Amaleey amaleey
Anigoon ku aqoon
Arli dheer kala joogna
Sheekadaada asluubtiyo

Amaantaada la’siiyay
Sawirkaaga arkaan
Akhlaadaada jeclaadoo
Anshaxaagu ideeqoo
Arimihiisa jacaylku
Maalintaasoo ababoo
Awalkiisu bilawdoo

Afka uukala qaadaoo
Olalkiisu I,taabtoo
Onkadkiisa an raacoo
U arooray hayaan dheer
Anoo oon ladayoobay
Cidla aan dhax ordaayo
Jacayl aan la,asaasiqay
Amaleey amaleey

Waa ilaahay mahadiise
Anigoo kugu taami
aragaaga ku daaloo
kaa dhax eego haweenka
soo islii ma,imaanin

dhawr ayaamood dabadeed
soo inan bilan oon uduceeyay
subax waagu iftiimoo
aan indhaha kala qaaday
asaraarka jacaylkuna
adhaxdayda dhaxyaalo

saynab maan aragoo
sooraacin aroor hore
anigoo uhiloowsan
amaleey aragaaga
adoo aabahaa ucilaami
aqalkiina ma,aan iman
kusalaamay ilwaadeey

Iyadoo ididiilo jacayl
Uurkay dhax jiifto
Aafadiisa jacajlka
Amaleey amaleey
Markii aan ku arkee
Indhahaygu qabteen

Oogadaada xariirtiyo
Odhaahdaada macaan
Soow amakaak iyo farax
Anfariir kama qaadin
Dabadeedna ilwaadeey
Intaan aayar fadhiistay

Waa ayaan farxadeede
Abshir weeye ma,aan oran
Uurka maan kaducaysan
Amaleey amaleey
Waxa,aan lairdhoobay
Ama aan la,asqoobay

Waa iraado jacayloo
Igusii anba qaadoo
Aamusiisay naftaydii
Amaleey amaleey
Bal aduunkan ufiirso
Umadaan ku dhax nool

mid walba afgaariyo
dhaqanbuu eegayaa
awowgii samayn jiray
gidigoodna hal aaboo
Laga uumay camuudiyo
Hal umaa dhashayoo

Asalkoodu ahaayoo
Aykasoo askunmeen
amaleey amaleey
waa umuur yaablee
ma,ogtahay gidigood
afrikadaan ladhaliiliyo

yurubtaa is,amaantiyo
aasiyaanka laciiliyo
amerikaanka is waala
inay guud’ahaantood
aaminsanyihiin jacaylka
amaleey amaleey

waxa u bad loodhalayaa
ilmo loo korsadaa
dhibka looga ilaashaa
edabtiyo aqoontiyo
anshax loogu rabeeyaa
soo inay anfacaadiyo

aaya danbe ayeeshaan
looma soo ababiyo
ana waan ku jeclaadee
inta aanan anbanin
naftu aynan abaarsan
ama aynan ilduufin

awgaa aan uhiloobin
amaleey yaanan kuwaayin
Amaleey amaleey
Eedaanka aroortii
Ilaa waagu dilaaco

Oo ilayska cadceedu
Iftiin keedu itaabto
Adigaan kutabaayoo
Kuu irdhaysanahee
Ahlan maad itiraahid
Amaleey amaleey

Asalkiisa jacaaylku
Ma’ufaa ma’uuraa?
ma ulbaa ma eebaa?
Ma,olal aan damaynoo
Ooga gubaayaa

 

 

Siyaad Maxamoud Muuse
 
Aniyo caashaq

 

Boqoradii bogaygaay
Badhaadhaha ahaydee
Adaan kuu bukaayoon
Kuu baahanahayee

Baryo kala maqnaanteen
Way ibboqnagooysayoo
Baygo iyo caataan
Badankayga saaftee
Inaan baryo maqnaadoo

Kala baadno maanrabi
Wuxuu boqqorku kuuqoray
Lama baajin karayee
Bidhantaada aragaa
Barkhad ii ahaanlayd

Indhahaa ibasaasee
Batallaale boodhari
Baradii wacnayde
Boodhari ku aasnaa
Buda caashaqa ahayd

Ayaan bariidada iyo salaanta
Kaaga soo bardirayaa
Baroorta udhamaystaa
Boqorku haisku keensimo
Xiisuhu kubadanyahay

Bilicdeedu dheertahay
Inaan baryo maqnaadoo
Kala baadnomaanrabin
Wuxuu boqorku kuuqoro
Lama baajin karayee
Barbarkaad iga jirtaan
Barkinta udhigtaayoo
Baroorta udhamaystaa

 

Siyaad Maxamuud Muuse
 
Sucaadeey

waxaan sameyay xili yar saaxiibkay ah ay kala fogaadeen gabadhay is jeclaayeen kadibna wiil kale oodibada jooga lasiiyay gabadhii reerkooduna ogolaadeen si’uu’uguursado xaaladiina ku adkaatay saaxiibkay gabadhiina xaaladaas ay ka xumaatay xumaatay

Sidaad ii ogaydabaan
Hurdaada ooga salalaa
Wali kuu sugaayaa
Saadaasha khayrkaleh
Saaceeda furanbaan
Socodkeeda dhawraa
Inkastoon sucaadeey
Kaa seexan waayoo
Beerkana dhax surantahay

Aan kugu sahwiyo’oo
Saqda dhaxe habeenkii
Suuradaada la;ituso
Sidii sabi dhalaameed
Nafta kugu sabaalaba
Waxaan helay sucaadeey
Saaxiib wanaagsanoo
Layiraah siyaadoo
Aan is;iri sidiisaba
Caashaquu la soobaxay
Hadaad saas u’eegtana
Jacayl aan sal iyoraad
Aan lahayn sucaadeey

Ruuxaad u sahansatay
La sabayni hawda sare
Suurad lagu gartaajirin
Saaka aan lanoolee
Maka daray sidii hore
Caashaqa siddii soor
ma’ucunaa sad’ookale
suugaan matiriyaa
sawir ubax masawiraa
saablayda xabadkiyo

Maseexdaa wadnaha baas
seetiyo hogaan adag
Ma’igu xidhay silsiladbira
Ma’isaaray samadaas
iyo salaamo dhaadheer
sadax sadar ooy sooqortay
gacaladaada suubani
ayaa ugu sareeya dunidaan
macaankay sidaan qudha
ayaan jirin wax lala simo
waa siduu siyaad yiri
salaamaha kalgacalka leh
Saas usoodir gacalooy

sabab la;aan wax udhacaa
majiraan sideedaba
samadaa korkeeniyo
dhulka aan ku seexano
ciyaar looma suubinin
sir hoosaa ku daahane
hal seexan caashaqa
kagacayl sibraaraan
subug kuugu soo shubay
sabiib kaaga buuxiyay
ee aan sidada hayo

adaan kuu sidaayee
kuu wadaa sucaadeey
su’aal aan ku tooydee
jawaabteeda oosaxa
I soosii sucaadeey
Caashaqu sideeyahay?
Suuradiisu seeytahay?
Ama lagu sifeeyaa?
Siriqduu samaystiyo
Dabinkiisu suuyahay?

Miyuu sacabka kuu tumay?
Kuu dagay saliyo baar?
Humaag kuu sawirayaa?
Sanka ooga tolantahay?
Buuraha silsilada’ah
Maku saaray golisiyo
Suura oogadeeda?

Cilmi sabaduu geeyiyo
Batalaale masoosurtay
Sare ubaxcasaan ka’ah?
Qays halkuu seexshiyo
Soow layla maadarag ?
Intuu dad silciyayee
Saxariir uubadayee
Aduunyada ka suulayay
Sucdiyeey makulanteen?

Inta caashaq sirayee
Seedaha uugooyee
Sahankii ka dhumiyayna
Sucdiyeey makulanteen?
Inta sirla;aan ku dhaqantee
Isu jecel sidaan’nahay
Hadana isaseegtayee
Kala seereen waayuhu
Saacad qudha makulanteen?
Ala’ha’inoo’sahlee
Ninka soo saqlaynee

Dibadaas ka sayn dhaban
Wuxuu soosidaa yaable
Saaka uu lasoobaxay
Salalbaan kaqaadee
Caashaqa hasayrinin
Ha saluugin waligaa
Samirkana ku soo’ood
Aan sahwiga saarne

Siyaad Maxamuud Muuse
 
Danta ha igu nicin

 

Waxaan ahay nin daranoo
Waayuhu danqaayaan
Jacalkuna dangiigoo
Dabar ayku gooyeen
Danihiisa dhaafshaan
Daashadeen naftiisii
Ma,ogtahay dawooy
Inaan kuu ildaranhay

Aawadaa udaaloo
Dawdayda aad tahay
Danta ha igu nicinoo
Ha,igu didin duruufaha
Waayuhu ay daadihin
Iidaryeeliwaydee
Iidulqaadan waydee
Caashaqeena dahabka,ah

Dara jayniwadee
Diirnax yeelan waydee
Dudayoo fogaatee
Dib usoolaaban waydee
Dood iga horkeenttee
Diidayna warkaygee
Kuma dooni tidhiyee
Aan isdayno tidhiyee

Dabadeed iswaashoo
Dib ha,iigu,iman dhadee
Wax walba ood daliilsato
Naftu kama didaysee
Dulqaadbaan kaqaadaa
Deeqbaan uqaataa
Goortaad ididisee
Caashaqayga dayriso
Dumar ooma sidatide

Damiir xume jacaylbaa
Heeryo i,dulsaaroo
Ii diiday dookh,kale
dadaal oo,hagaabinin
Waa mid la,iigu dawgalay
Caashaqaan i,dabagalay
Igu noqday dab iyo dhagax

Dariiqiisu igalumay
Dawgiisa maad garan ?
Alaa deeqda fidiyee
Sida ubaxa dayreed
Caashaqaan dilaacay
Dib ma,iishakaalay
Daabiyoo hankool culus
Dib ma,iigu riixaa

Maigu doobinaayaa
Laamo hoos udaadaga
Dawyo dheer ku foorara
Lulayaan dabayluhu
Ma,idhigay dushoodii
Ma,iladagay jacaylkii
Maku duulay haadaan
Iyo dawyo dhaadheer

Nimuu dagay jacayloo
Dalam uuka siiyayna
Dib ulaaban waayee
Miyaan daakhilka ugalay
Dalaqdhahay dhaxdiisii
Duunyo looma iishee
Hadal lama duljoogee
Qafxun lama dugaaloo
Jacal lama dafira,oo

Runta lama daboolee
Doofilaha jacaylkuna
Ma,igu soo didaayaa
Sidii geel darloohoray
Bal maxaad ku dayrisay
Jacay;keena dahabka,ah?

Siyaad Maxamuud Muuse
 
Boqoradii bogaygaay

 

Boqoradii bogaygaay
Badhaadhaha ahaydee
Adaan kuu bukaayoon
Kuu baahanahayee
Baryo kala maqnaanteen

Way ibboqnagooysayoo
Baygo iyo caataan
Badankayga saaftee
Inaan baryo maqnaadoo
Kala baadno maanrabi
Wuxuu boqqorku kuuqoray

Lama baajin karayee
Bidhantaada aragaa
Barkhad ii ahaanlayd
Indhahaa ibasaasee
Batallaale boodhari
Baradii wacnayde

Boodhari ku aasnaa
Buda caashaqa ahayd
Ayaan bariidada iyo salaanta
Kaaga soo bardirayaa
Baroorta udhamaystaa

Boqorku haisku keensimo
Xiisuhu kubadanyahay
Bilicdeedu dheertahay
Inaan baryo maqnaadoo
Kala baadnomaanrabin

Wuxuu boqorku kuuqoro
Lama baajin karayee
Barbarkaad iga jirtaan
Barkinta udhigtaayoo
Baroorta udhamaystaa

Siyaad Maxamuud Muuse
 
Caashaq yahow badanidaa



Cashaqyahow badanidaa
Baaxadaadu dheeraa
Balaayadaadu badanaa
Bulshada aad kuhaysaa
Basan baaskiyo dhibaatada
Boholyoow abuurkiyo
Wadna beegsan ogidaa
Bugtadaadu badanaa

Imisaad ba’iyo hoog
Boog aad ku beertoo
Balan balay daraadaa
Nolasoodu baabaday
Aad baday khasaaroo
Buuq aad ku furtayoo
Bar cidla’ah ku tuurtoo
Beer koodi dhaawacday

Imisaad badwayn dama
Balag aad uga lushayoo
Indhaha baal kasaartayoo
Bohol ooga talaabsatay
Imisaad u baaqdoo
Bulhan kaaga raacoo
Bonaha aad kagoysoo
Batalaale aad dhigtay

Imisaad braadli’I
Badan kooda dagtayoo
Gacalka aad ubaahisay
Buur dheer kasaartay
Caashaqyahow balbalayaa
Sidii olol baxaayoow
Noolahaad isbarataan
baryo aad ladaristaba

bal muxuu la’ooyaa
beer nugayl ltaahaa
baqdin aad ugalisaa?
Naxdin oogu beertaa?
Caashaq yahow iboobaa
Beer wacan miyaad tahay?
Soo barbaarsha aad miga
Ku dhax nool badaasiyo

Barigaan balaca wayn


Noolaha dhax boodaya
Ma’adigaa isbada’oo
Isu baahi galiyoo
Isasoo bildhaan tusa
Bar isoogu keenoo
bah qudha kawada dhiga
tarankana badshaa tahay

caashaq yahow badanidaa
boodadaadu dheeraa
oo baxnaano daridaa
goortad wax baabi’in
yaa kuu birdhigi kara?
Nafta biimo kalinkara ?
Baradeed kuhoyataa ?
Bayd kaagu uuyahay ?

Ma,bam’aasanbaad tahay?
Mise baaruuda qaraxdee
Gantaalada kaboodee
Burburiya cadaawaha
Sidaad iila boodee
Iisaartaybuuraha
Kaama helin baxnaanee
Haiga dhigin bukaan socod
Aan baxnoono looheli

 

Siyaad Maxamuud Muuse
 
Raaxeeyaha jacaylbaa

 

Raaxeeyaha jacaylbaa
Riiqaya nafaydoo
Raamsi igu dhameeye
Hadaan raali kuu ahay
Caashaquna irarayoo
Walwal ii rakaabsaday

Bal maxaa iraaciyay
Iila roorayaayoo
Ii rabsheenayaayee
Jacayl ima rafaadsheen
Hadaad rali iitahay

Ruuneey ijeceshahay
Roob aan da,ayniyo
Riyo aan dhamaanbaan
U,rucleeynayaayee
Waxaan raad ku joogoon
Rubadgo,ay daraadaa
Hadana raysmagaadhine

Soo raadiskaagii
Ima,uun ragaadinin
Rogiwaayin socodkii
Lama reebo farxadiyo
Ruuxii ku jecelee
Rixinkaaga doonaya
Jacal ima,rafaadsheen

Hadaad raali iitahay
Ruuneey I,jeceshahay
Rakadaa isgaysaa
Raar dheer kusaartoo
Inakala raajisee

Hadaan laiska roonaan
Reer kuma nagaadoO
Roob lama helaayee
Ruuneey wallaaal
Rabi haisku keensimo

 

Xasan Seeteeye
 
Burco waxay ku leeday


Posted to the web Dec 09 2001 21:13 - Maanso: salaama calaykum. waxaan aad ula yabay inanka layirahdo ina sool ee yidhi burca mudaharaday oo waan ka gabyaya miyaanu ogayn in somaliland isku racday in qof waliba codkiisa u xor u yahay mucarad iyo muxafad na kuu doono noqon karo?
...mansadi waxay tidhi...

ninka soo bu,ayow
burco waxay kuleeday
burco waa burcadeedii
waa beled islameed
baan iyo xumaan male
beerayda maansada
sida qaalin buu,baa
loolama baqoolee
barta uu ku dhacayaa
beryo lagu qiyaasaa
aan bayaansho hadalkaa
nin haduu badraan yahay
inkastuu is biimayn iyo
boolixoofto badanyay
beryo waxuu wareegaba
wiil baajiyaa hela
markasaa bahdiisii
basarka ay u sheegtaa
waxa uu la bili yahay
baar furanka geeloo
baar qabuu is moodaa
beryo waxuu wareegaba
baar qab mici lahoo wacan
ayaa baacsha dhawr goor
mar kasuu bariiqa
ama badiyawgii
baashaa u meeraa
buugeedi waxu yidhi
burco wiilkan cayee
bish mahaa ka dhiginoow
burco waa burcadeedii
waa balad islameed
baan iyo xumaan maleh
waxanay bili lahayeen
burco duuray doodii [burco duuray]
ilamaa bir jeexdii [birjeex]
ama malin ba,anoo
buura lasoo galay [s.n.m buurii]
iyo malin buugloo
burco laysku weeraray [1988 burco]
adna aad baqii duhur
baan yaal lalayso
bidhaantaada muuqii
ba,bi wayday maalmaba
markise ay bad baadada
adigiyo bahdaadii
nabad kugu bariiseen
ileen biid magara tido
yarkii ina bacaadiyo [ina bacadle]
boodh laad la dhalato [boodhle]
waligiin bah dhaca iyo
boolaad ku dhalatoo
basar uma nagatide
baabkeedi waxan dhigay
burco wiilkan magow
beerayda mansada sida
qaalin buu,baa
loolama baqoolee
barta uu ku dhacayaa
beryo lagu qiyasaa
aan bayaansho hadalkaa
burco waxay kuleeday
beerayda maansada
balo laguma sanyado
umad bili lahaydoo
balayo aan sugaynina [somaliland]
bah bah looma kalo furo
bilahaa islaamkana [ramadaan]
balayo looma xera dhigo
yarka soo bu,ayow
burco waxy ku leeday
bismilaahi eebow
bilahaaga khayrka leh
miday bixiso hayso
balad kaad lahaydiyo
burco jiidhsan baa jira
in kastuu bukaan qabo [namiimiye]
ama belo ku raranyay
iga baaji ee boow
aamiin...aamiin..amiin.

wataa mansdii burco.muj.xasan seeteye.

Siyaad Maxamuud Muuse
 
dabiibkii naftaydaay

dabiibkii naftaydaay
waa daruur kalgacalkoo
dabayluhu sidaanoo
hadba meel ku da,aoo
noolaha ladarisee

haduu maanta ila dagay
duufsaday naftay dii
olol aan damayniyo
dogolbiixi igu shiday
dadka ruux ku caashaqa
dayro looma qudhee
waa lala dadaalaa

dookh lala wadaagaa
ana dahablamoodyeey
nafta waabad deeqdee
ma,udiirnaxaysaa
madabiibi amaleey
caashaqaan daraadaa
ladaalaa dhacaayee
dabayluhu sitaan

caashaqaan idabayee
intuu dabarka igu xidhay
nolashaydii duwayee
duufsaday dhamaanteed
maad iga dawaynoo
dacalkaaga ilaqaban
waa kuudayooboo

kugudaalay amaleey ,
dib ha,iiga sikanine,
soo,dabaal jacaylkoo,
dagdag iila ,soo,hadal
waan kudoonayaayoo,
kaa,daba waraaqoo,
daydayay warkaagee,
halkeen kaa,dayaayoo,
kaa daalacdaayoo
kaa daawadaayeey

dhulka loo loodawaafee,
loo doogsimaadtago,
raaso ma,u,dalxiisnaa
aan soodal,baranee
dayrta ma,isu raacnaa

 

Ku soo dhawaada heesaha dalkeena

 

Dhulaan ceel lahaybaa  

khadra daahir cige & Saado     




Dhulaan ceel lahaybaa
dhaankii u rarayaa
Adna dhool guyaadiyo
dhibicdii ma hayside
Dhacar baad ku nooshahay
dhankan anigu kaa xigo
Dharka lama yaqaanee
dhuug baanu xidhanaa
Adna dhogorta xoolaha
malaa waad ka dhigataa
Buuraha dhexdoodiyo
dhagaxbaan ku seexdaa
Adna wax ima dhaantide
dhulka hoos u qodan iyo
Dhufays baad u hoyataa
dhulkan kala fogaadiyo
Labadeenan kala dheer
yeysu soo dhaweeya


Markaad adigu dhimataa
naftu iga dhaqaaqdaa
Markaad adigu dheregtaa
dhibaatadu I deysaa
Dheehaagan wacan baa
aniguna ku dhaashtaa
Dhaxalkii ad reebtaa
dhitadaydu noqotaa
Markaan soo dhowaadana
waad iga dhaqaaqdaa
Ana kuma dhegaystee
anoon dhuumanayn baan
Dhegaha kaa furaystaa
wixii adiga kaa dhimin
Anigana I dhaafoo
dhaan-dhaan hadaan ahay
Adna dhoohanaa tahay
dhulkan kala fogaadiyo
Labadeenan kala dheer
yeysu soo dhaweeya


Kol hadaynu dhuuxiyo
dhiigii ka simanahay
Midabkiyo dhawaaqiyo
diintiyo dhalashada
Iyo dhaqan wadaag nahay
dhudhunkaad I goysaa
Waa dhantaalan kaagee
labadeenu dhuun iyo
Moqor baan ka dhiganee
dhidibkaynu taagniyo
Dhismihii adkaan jiray
inaan kala dhaltaalaa
Dhegxumo iyo yaab iyo
talo dhacan tay weeyee
Dhaxdin baan wadaagnee
aayaha dhasheeniiyo
Midnimada ma dhowraa

 

Dunidii siday tahayeey

khadra daahir cige

Dunidii siday tahayeey
Maxaa dumay maxaa nool
Dhigii wali ma daataayeey
Bal dalkii ka sheekeeyeey
Kuwii aabahay dilayeey
Dab ku shiday awoowgayeey
Anigana I dulmiyey
Duunyadiina naga dhacay
Maka diday jidhkiinii
Ma dagaalanteen weli
Weliyeey waliyeey waliyeey


Dawliska iyo ceelkii
Hadaa laysku deyayaa
Daabka iyo godintii
Hadaa laysla doontaa
La dabaa la dobayaa
Samaydii la diirtee
Dalkii wuxu gudoonsaday
Dirir iyo col weeyee
Nolol baa dambaysee
Duqaydii la laayiyo
Ubadkii la dooxiyo
Dumarlii la gawracay
Ma ka diday jidhkiinii
Waliyeeey waliyeey waliyeey

 

Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.
Heesta midhaheeda yaa curiyay ?
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:

Horta yaa abaal gala



Caashaqaa hadduu go'
maxaa adiga kaa galay
laba guur ku kulantiyo
laba gaar isugu wacan
garashooy maxaad noqon
gacan gacan waxsiisiyo
gacan u gragaarta yaa heli
horta ya abaal gala
haddu jire se yaa guda

caashaqaa haddu galo
maxaa adiga kaa galay
gorigii ilmaha tabay
iyo gabanti uu dhalay
midba gees u xidhana
gacan gacan wa siisiyo
gacan u gargaarta yaa heli
horta yaa abaal gala
hadduu jiro se yaa guda


Soo saxa soona dhameeya

 

Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.
Heesta midhaheeda yaa curiyay ?
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:

Daraato maxaan ku donay


Nafta meel u dudaysaa
damaqeeda xanuunka
wow doog dhabataayee
waan ku daawan lahaaye
dunti caashaqaa ma hantiyay
qalbigi dagyee dahab la moodyow
daraato maxaan ku doonay

naf dabaylo sitaan
debed wow hoyataaye
dadka weyska xignaaye
wwn ku daawan lahaaye
duntii caashaqaa ma hantiyay
qalbigii degyee dahab la moodyow
daraato maxaan ku doonay


Soo saxa soona dhameeya

 

Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.
Heesta midhaheeda yaa curiyay ?
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
 
Ololka iga baxayaa

adkaysan waayoo
ayaan ma seexdoo
aduun dhibtiisaa
ani lay dhameeyee
naftu kay u oontay
arkina weydoo
i tusi weydaa
alla maad ogaatiin
ololka iga baxayaa
iga keen
ilmadan caashaqaa
in aan wali abraaraayo
alwada hay ogaysiin

asqoobay ooyoo
itaal dareeyo
anfac ka dhaarto
orodka gaabshe
jacayl oodihiiboo
igu abuuroo
i tusi weydaa
alla maad ogatiin
ololka iga baxayaa
in aan wali abraaraayo
alwada hay ogaysiin


Soo saxa soona dhameeya


 

 

 

 



 

 


MAHAD ALLAH BAA ISKA LEH

  • ALLAh mahad leh maadaama aan ku guulaystay inaan suugaanta soomaaliyeed wax ka qoro amaba aan ku soo uruuriyo halkan in ka mid ah suugaanta balse waxaan idin ka codsanaayaa inaad suugaanta iigu soo hagaajisaan e-mail kayga si aan u soo galiyo oo ay u akhristaan umadda somaliyeed ee ku dhaqan dunida amaba saaxiibada gaarka ah ee Nuuradiini iyo maanta




my e-mail :- Nuuradiini@hotmail.com


 



Nuuradiini iyo suugaanta somaliyeed sidee buu kuuugu soo diyaariey .

wali shaqo kale ayaa ku socota bogan suugaanta somaliyeed




Web Site The proud grandparents are Ray and Joan Green and Rick and Angie Brown.